HELLOOY HELLOOY
HELLOOY HELLOOY
HELLEELAHAY
Heeso
Heesuhu waxa ay ka mid yihii suugaanta Soomaaliyeed ee dadku
u adeegsado maaweelada iyo madadaalada,
heesuhu waa ay jireen waligoodba laakiin ma ayna
ahayn heesahan qaababka kala duwan u codaysan ee laxanka iyo
muusiggu ku ladhanyahay.Heesaha waxaa loo adeegsan
jiray shaqada sida waraabka xoolaha iyo shaqada beeraha iwm...
Heesahan cusub oo ku qaabaysan muusiggana wata, waxay
intooda badani yimaadeen waqti aan sidaas u dheerayn.
Waxayna intooda badani ku abtirsadaan dhaqan shisheeye.
Waxaase, in la xuso mudan, in ay dhaqankeenna ka soo jeedaan
Durbaanka, Shareerada iyo qalabyo kale oo badan oo loo
adeegsado ku codaynta heesaha.
Bilawgii qarnigii 20: aad waxaa magaalada muqdisho ka aasaasmay
koox la odhan jiray:" Cali Maleexaan", waxa ay bilaabeen
qaab masrixiyadeedkan cusub oo hadda aadka u han-qaaday.
Sidoo kale waxa woqooyi ka bilaabmay kooxdii la odhan jiray:
"Kabacad", oo intoodii badnayd, markii danbe noqday
Walaalo Hargeysa.
|
|
Heesihii Soomaaliyeed intoodii badnayd: