Dadka Soomaaliyeed waxa ay leeyihiin
ciyaaro dhaqameedyo ka soo jeeda hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee fac
weyn.
Ciyaarahaasi oo gobollada Soomaaliyeed qaarba si looga ciyaaro ama gobollada
qaarkood ay leeyihiin ciyaaro u gaar ah iyaga.
Ciyaaraha qaar waxay u gaar yihiin Ragga oo qudha qaarna si wadajir ah ayay u
wada ciyaaraan ragga iyo dumarku, oo way isla maraan.
Ciyaaraha aad caanka u ah waxaa ka mid ah saylicida, wilwilaha, gebleshimbirta, walasiqada, dhaantada,batarka, hirimaaheeda iyo kuwo kaloo badan.
Bal eeg swiradan oo ku tusaya qaar ka mid ah ciyaaraha dhaqanka iyo hiddaha soomaaliyeed:
