ALLA DHEERIYAA DHUXUSHA KA MADOOBIYAA!!
ALLA DHEERIYAA DHUXUSHA KA MADOOBIYAA!!

Heesaha carruurta
Dheeriyaa alla dheeriyaa
dhuxusha ka madoobiyaa .
Aabbahay baan arkaa.
Hal iyo nirig buu soo wadaa.
Hooyaday baan arkaa.
lax iyo nayl bay waddaa.
Allaa aabbo nirigtuun i sii.
Alla hooyo nayshuun i sii.
Alla dheeriyaa alla dheeriyaa
dhuxusha ka madoobiyaa
Aabbahay
baan arkaa
sac iyo wayl buu soo wadaa
Hooyaday baan arkaa
ri iyo waxar bay soo waddaa
Alla aabbo wayshuun i sii
Alla hooyo waxartuun i sii.
2.Bilo Bilo
Bilo bilo
koodaar kow dheer ee dhexaad
ku jaboo ku jacsi
Biitooy biito
Biitooy laabo
Shimbiri Qaday
Qaynaanisay
Qoys kale tagtay
laf qaadatay
ku margetay
waxay tidhi:
Quxu Quxu Quxu Quxu Quxu!!!!
3.Dacawo:
Dacawadii dhoosay
oo dhuuni doonaysa
oo dhixirkii ka halaabay
Waa la i dilayaayay
waa la ii dabayaa
ha i soo dhawaan dhoosay.
4. Dabagaalle
Dabagaalle geel wada, yaa arkay?
nin yaroo nin weyn dilay, yaa arkay?
5. Mulac
Mulacow hashii may, ma aragtay?
Mayee maqaarki ma u sidaa?